Muxuu Ruushka ugu daabulayaa hubkiisa dalka Venezuela.?

0
29

Talaado Nov 10, 2025 {HMC} Ruushka waxaa lagu arkay inuu si aan caadi ahayn uga falcelinayo xaaladda Venezuela, isagoo markan u dhaqmaya si ka duwan dagaalladii iyo khilaafkii uu horey uga aamusay. Vladimir Putin wuxuu si cad u muujiyay in Moscow aysan oggolaan doonin in la rido dawladda uu hoggaamiyo Nicolas Maduro, taas oo ah mowqif siyaasadeed iyo istaraatiiji ah oo ka duwan habkii uu Ruushku ula dhaqmay dalal kale oo xulafadiisii hore ahaa.

Markii hore, Putin marna ma difaacin saaxiibbadii hore ee la weeraray ,balse markan, wuxuu si rasmi ah u diray hub casri ah, oo ay ku jiraan gantaallo iyo nidaamyo difaac oo horumarsan, isagoo Maduro u sheegay in warshadaha Ruushka ay diyaar u yihiin in ay soo saaraan hub kasta oo uu dalkiisa u baahan yahay.

Taas macnaheedu waa in Ruushku u arko Venezuela inay tahay khad cas oo uu Mareykanka ku joojinayo faragelinta uu ku sameeyo Latin America.

Laakiin maxay Venezuela uga duwan tahay dalalkii hore ee la iska daayay?

Arrintu ma aha saaxiibtinimo siyaasadeed oo kaliya. Ruushku wuxuu u arkaa Venezuela inay tahay khadka koowaad ee dagaalka dhaqaale ee caalamiga ah. Haddii Mareykanka weeraro Venezuela, Maduro wuxuu u baahan doonaa dhaqaale degdeg ah si uu isu difaaco.

Dakhligaa kaliya wuxuu ka imaan karaa hal meel ,waa suuqa shidaalka. Taas macnaheedu waa in Venezuela ay ku khasbanaan doonto inay suuqa caalamka ku shubto saliiddeeda si ay u hesho lacag degdeg ah.

Marka taasi dhacdo, waxaa bilaaban doona musiibo dhaqaale oo taabanaysa Ruushka, sababtoo ah Venezuela waxay leedahay keydka saliidda ugu weyn dunida.

Haddii saliid badan hal mar suuqa lagu shubo, qiimaha foostada saliidda wuxuu hoos ugu dhici karaa ilaa $30, halka uu hadda ku dhow yahay $60.

Qiimo dhacaas wuxuu noqonayaa hoos u dhac halis ah oo ku dhaca dhaqaalaha Ruushka, maadaama uu ku tiirsan yahay iibka shidaalka si uu u daboolo miisaaniyadda dowladda.

Waxaa kale oo xaalad la mid ah ay ku dhici doontaa Sacuudiga, oo dhaqaalaha dalku sidoo kale ku tiirsan yahay saliidda.

Labadan quwadood Ruushka iyo Sacuudiga waxay arki doonaan miisaaniyadahooda oo burburaysa iyo suuqyadooda tamarta oo lunta haddii Venezuela suuqa kusoo daayo shidaal jaban oo tiro badan.

Sidaas darteed, Ruushku wuxuu u arkayaa difaaca Venezuela inuusan ahayn arrin saaxiibtinimo, balse xeelad istiraatiiji ah oo lagu badbaadinayo dhaqaalihiisa iyo saameyntiisa caalamka.

Putin ma difaacayo Maduro oo keliya ,wuxuu difaacayaa qiimaha shidaalka iyo dhaqaalaha Ruushka, iyo awoodda Moscow ee ay ku joogteyso saamaynteeda dunida.

Dhanka kale, Putin wuu fahamsan yahay waxa Mareykanku doonayo. Washington waxay u aragtaa Venezuela fure muhiim u ah xakameynta dhaqaalaha caalamka. Haddii Mareykanku gacanta ku dhigo Venezuela ama uu meesha ka saaro xukunka hadda jira, wuxuu helayaa awood uu ku maamulo suuqyada shidaalka adduunka ,awood u saamaxaysa inuu cadaadis saaro Ruushka, Sacuudiga iyo xulafadiisa kale ee Khaliijka, kuwaas oo noloshoodu ku tiirsan tahay dakhliga shidaalka.

Sidaas darteed, dagaalka Venezuela ma aha kaliya mid siyaasadeed ,waa dagaal shidaal, dhaqaale iyo heybsi caalami ah.

Putin wuxuu ogyahay in haddii Venezuela gacanta u gasho Mareykanka, uu lumin doono mid ka mid ah tiirarkii ugu muhiimsanaa ee uu ku dhisnaa nidaamka dhaqaale ee Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here