Muxuu salka ku hayaa dagaalka Thailand iyo Cambodia?

0
35

Axad 27,July 2025 {HMC} Isku dhacyo hubeysan ayaa ka dhex qarxay dalalka Thailand iyo Cambodia, kuwaas oo ka dhacay aagag xuduudeed oo muddo dheer lagu muransanaa, kuwaasoo si degdeg ah u sii huriyey xiisado bilooyin socday.

Dagaalka ayaa isugu jiray is-weydaarsi rasaas ah, duqeymo madaafiic ah, iyo gantaallo, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 14 qof oo dhinaca Thailand ah iyo hal qof oo Cambodia u dhashay, halka tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen. Waxa uu sidoo kale dagaalku sababay in tobannaan kun oo qof ay ka barakacaan guryahooda oo ku yaalla meel u dhow xuduudda. Dalka Thailand ayaa sidoo kale duqeymo dhinaca cirka ah la beegsaday Cambodia.

Waxa uu ahaa iska horimaadkii labaad ee hubeysan tan iyo markii askari reer Cambodia ah la toogtay bishii May, waana xaalad si weyn u sii cakirantay oo timid saacado kadib markii labada dal ay hoos u dhigeen xiriirkoodii diblomaasiyadeed, taasoo ka dambaysay qarax miino oo ay ku dhaawacmeen askar Thai ah.

Milatariga Thailand ayaa Jimcihii sheegay in isku dhacyo ay ka dhaceen goobo dhowr ah oo ku teedsan xuduudda, meel u dhow afar gobol oo Thailand ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here