Muxuu yahay nidaamka PISCES ee lagu soo kordhiyey socdaalka Soomaaliya.?

0
40

Axad 29 June 2025 {HMC} Nidmaanka PISCES, waxaa bilowday wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka waaxdeeda Ka Hortagga Argagixisada sanadkii 1997-dii . Ujeedada mashruucan ayaa ahayd in dalalka la siiyo nidaam kombiyuutar ah oo casri ah si ay u horumariyaan awooddooda la socodka dadka laga shakiyo – gaar ahaan kuwa argagixisada lala xiriiriyo – iyo fududeynta habka socdaalka iyo soo gelidda dalka.

Dowladaha shisheeye ayaa loo xilsaaray inay isticmaalaan nidaamka si ay u sameeyaan liisaska dadka laga shakiyo, ulana wadaagaan xogtaas Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Xogta ay la socdaan waxaa ka mid ah sawirrada wejiga, faraha, iyo macluumaadka shakhsiyadeed ee dadka u socdaalaya Mareykanka kana soo baxaya dalal “khatar sare leh”.

PISCES, ayaa ka kooban qalabyo kala duwan sida Kamarado, barayaal baasaboorda ah kuwaas oo bixiya tababaro, rakibaad iyo taageero farsamo intaba.

Xarumaha socdaalka, booliska, iyo hay’adaha sirdoonka ee dalalka ka qeybgalaya nidaamkan ayaa si toos ah uga heli kara xogta laga aruuriyay xarumaha socdaalka iyadoo loo marayo wide area network (WAN).

Sanadkii 2007-dii ayaa nidaamka lagu kordhiyey kartida ogaanshaha dukumentiyada been abuurka ah,baadhitaanka biyomeetrikada (faraha ) iyo hagaajinta habka raadinta magacyada.

Sidaas oo kale sanadkii 2010-2011ayaa hannaanka laga qayb galiyey dalal Maraykanku arko kuwa khatar sare oo ammaan leh sida dalalka Ciraaq, Afganistan iyo Pakistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here