Muxuu Yahay xiriirka Singapore ee Soomaaliya sheegtay in ay xoojineysa?

0
26

Sabdi, 09 August 2025 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay xoojineyso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay leedahay dalka Singapore oo kamid ah wadamada ugu horumarsan dunida.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa hambalyo u diray Dowladda iyo shacabka Singapore ee u dabaaldegaya sanad-guuradii 60-aad ee xornimadooda.

Wasiir Cabdisalaam ayaa sheegay in dalka Singapore yahay mid horumarsan oo leh hoggaan arragti fog, isla markaasna ay mudan yihiin in laga faa’iideysto.

Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay xoojineyso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dalkaasi Singapore, lana yeelan doonto wada tashiyo.

Isagoo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya, Wasiirka ayaa rajo ka muujiyay in xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee labada dal uu sii xoogaysto, si labada shacabba ay uga faa’iidaystaan.

Dalka Singapore ayaa xurnimada ka helay Maleysiya 9 bishii Agoosto ee 1965, waxaana uu kamid yahay dalalka ugu horumarsan dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here