MW DG Koofur Galbeed oo xarig jaray Garoonka Diyaaradaha Buur Hakaba?

0
23

Axad ,07 SEPTMPER 2025 {HMC}Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta xariga ka jaray Garoon Diyaaradaha ee degmada Buur Hakaba Gobolka Baay oo Shacabka Magaaladaas ay dhisteen.

Munaasabadda xarig jarka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka waxaana kamid ah Agaasimaha Hay’adda Duullista Rayidka iyo xubno kale oo isla madasha uga hadlay baahida loo qabay garoonkaan.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa bogaadiyay isku tashiga ay sameeyeen Dadka Degmada Buur Hakaba, waxa uu soo jeediyay in ay ku daydaan Bulshada kale ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka ee Degmada Buur Hakaba ayaa sheegay in garoonkaan uu fududeynayo isu socodka Dadka maadaama si joogta ah ay u adeegsanayaan Diyaaradaha ka degaya Garoonkaan sida ay hadalka u dhigeen.

19kii Agoosto 2025, Garoonka cusub ee Degmada Buur Hakaba waxaa caga-dhigatay Diyaaraddii ugu horraysay, tani waxa ay degmadaan ku xirtay Degmooyinka kale ee Dalka sida Ganacsiga iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here