spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS MW Xasan oo u Safray Dalka Dalka Masar.

MW Xasan oo u Safray Dalka Dalka Masar.

0
18

Axad, 06 Jully 2025 {HMC  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta u safray dalka Masar, halkaasi oo kulamo kula yeelan doono dhigiisa dalkaasi, Cabdilfitaax Alsiisi.

Kulanka ayaa la filayaa in looga hadli doona dhinacyada Amniga gaar ahaan Howlaha Ciidanka AUSSOM iyo doorka ciidamda Masaarida.

Madaxweyne Al-siisi ayaa dhigiisa Xasan Shiikh uga warbixin doono halka ay marayaan howlaha soo daabulista Ciidanka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Kulanka Madaxda Soomaaliya iyo Masar wuxuu ku soo aadaya xilli xiisadda ka taagan gobolka ay sare u kacday, ka dib markii Itoobiya ay dhammeystirtay biyo xireenka Nile, tillaabadaasi oo ay diidan yihiin dalalka Suudaan iyo Masar.

Dowladda Itoobiya ayaa khatar amni u aragta ciidamada Masaarida ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM

Soomaliya ayaa dareemaysa xaalad jahwareer ah oo la xiriirta sida ay u marayn lahayd xiirka labada dal ee Itoobiya iyo Masar oo siyaabo kala duwan saamayn ugu leh Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here