spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS MW Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dhibaatooyinka Israa’iil ay u gaysatay...

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dhibaatooyinka Israa’iil ay u gaysatay Falastiin & faragelinta ay ku samaysay Dalka

0
6

Sabdi 7 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu martiqaaday Madasha 17aad ee Aljazeera oo soconaysa 7da ilaa 9ka Febaraayo 2026 ayaa khudbad uu ka jeediyay uga hadlay dhibaatooyinka ay Israa’iil ka gaysatay Falastiin, Faragelinta ay ku samaysay Soomaaliya, Isbaddelka Dalka, Dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta & qodobo kale.

Khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu kusoo hadal qaaday in Soomaaliya ay taageersan tahay qorshaha dowlad dhiska Falastiin, waxa uu xusay in xalka keliya ee muuqda uu yahay in Dowlad xooggan oo madaxbannaan ay yeeshaan Falastiiniyiinta isla markaana faragelinta iyo dhibaatada ay ka dayso Israa’iil.

Dhanka Soomaaliya waxa uu ka sheekeeyay howlgallada ka dhanka ah Daacish & ‘AS’ ee Dalka ka socda, Muhiimadda uu leeyahay marinka Badda Cas, Faragelinta ay Israa’iil ku hayso Dalka iyo dedaallada ay Dowladda uga hortagayso arrintaas..

“Soomaaliya waxa ay horumar ka samaysay dagaallada Caalamiga ah ee ka dhanka ah Argagixisada, Dagaalkaan ayaa isugu jira mid Militari, Dhaqaale iyo fikir, waxaan taageerro ka helnay Saaxiibada Caalamiga, waxaana bogaadinayaa geesiyaasha naftooda u huraya Dalkooda si looga adkaado Argagixisada” Ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Madasha 17aad ee Aljazeera

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay hardan adag u gashay iska caabin faragelinta Israa’iil ay ku samaysay Bishii December sanadkii hore 2025, tallaabadaas oo ahayd mid ka dhan ah shuruucda Caalamiga ah iyo xeerarka kala duwan ee Caalamka uu ku dhaqmo.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay is hor istaagtay xadgudubka Israa’iil ee December ku samaysay Midnimada Dalka, waa tallaab ka dhan ah Xeerarka Caalamiga ah iyo kan Midowga Midowga Afrika” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha JFS.

Waxa uu dul istaagay danaha Israa’iil ay ka leedahay marinka Badda Cas oo Soomaaliya ay kamid tahay Dalalka wadaaga marinkaan, waxa uu si adag uga falceliyay in Xukuumadda Benjamin Netanyahu ay rumayso riyadeeda.

“Badda Cas waxa ay sal u tahay xasiloonida nabadgalyada Adduunka iyo marinka Ganacsiga, waxaa wadaaga Dalal badan oo Soomaaliya ay kamid tahay, Israa’iil ayaa si sharci darro ah damacday in ay xasilooni darro ka abuurto iyada oo soo maraysay faragelinta ay ku samaysay Soomaaliya, tallaabadaas waxa ay kahor imaanaysaa mabaadi’ida Afrika” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay, Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

“Soomaaliya si ay u difaacato Midnimadeeda waxa ay qaadday tallaabooyin waa wayn iyada oo bannaanka soo dhigtay sida kala qaybinteeda ay uga hor imaanayso xeerarka Caalamiga ah, si ay uga hortagto damaca Israa’iil oo ah in ay si fudud ugu soo rarto colaadaha una degto, Dadka Falastiin ayaa tusaale u ah arrintaas” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay MW Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madasha uu ka qaybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee Aljazeera Forum waa shir sanadle ah waxaa lagu fallanqeeyaa heerka isbaddelllada juqaraafi, siyaasadda iyo xaaladaha taagan, iyada oo diiradda lagu saaray faragelinta Israa’iil iyo dhibaatooyinka ay ku hayso meelo kala duwan oo Falastiin ay kamid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here