spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Madaxweynaha Soomaaliya Oo Itoobiya kula kulmay madaxda Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Itoobiya kula kulmay madaxda Afrika.

0
12

Axad  15 Feb 2026 {HMC}  Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulamo diblomaasiyadeed oo muhiim ah la yeeshay madax kala duwan oo ka qeyb galaya shirka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay mas’uuliyiin kale oo Afrikaan ah, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka qaaradda, xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga, iyo dadaallada dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbad ka jeediyay shirka Midowga Afrika, isagoo ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo horumarka laga gaaray xasilloonida iyo dowlad-dhiska. Wuxuu madaxda Afrika uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u fidinayaan midnimada, wadajirka, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulamadan ayaa muujinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka gobolka iyo doorka ay ka qaadanayso xasilloonida iyo iskaashiga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here