spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS MW Xasan Sheekh oo Ku wajahan Jabuuti, Turkiga & Dalal kale .

MW Xasan Sheekh oo Ku wajahan Jabuuti, Turkiga & Dalal kale .

0
22

Isniin 29, Dec 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku wajahan Jabuuti, Turkiga iyo Dalal kale oo xiriir wanaagsan la leh Dalka, waxa uu kala hadlayaa weerarka qaawan ee Israa’iil kusoo qaadday midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle kala hadlaya sidii Dowladdiisa ay u xoojin lahayd garab istaagga la xiriira difaaca midnimada si Dadka Soomaaliyeed la isugu hayo.

Marka ay kala xog qaataan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle kaddib waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u safrayaa dhinaca Turkiga isaga Rajib Dayip Erdogan kala hadlayaa isla arrintaan.

Jabuuti & Turkiga waxa ay safka hore uga jiraan Dalalkii ugu horreeyay ee cambaareeyay xadgudubka Israa’iil ay ku samaysay Soomaaliya 26kii Bishaan kolkii ay ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Maamulka Somaliland.

La soco wixii kasoo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here