spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS MW Xasan sheekh oo Qaabilay Wafdi sare oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska.

MW Xasan sheekh oo Qaabilay Wafdi sare oo ka socda Boqortooyada Ingiriiska.

0
13

Talaado 24 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Marwo Sophie (Duchess of Edinburgh) oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska.

Intii kulanku socday, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Marwo Sophie ayaa ka wada halday xoojinta xiriirka soo jireenka laba-geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta bulshada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Marwo Sophie ku bogaadiyay dadaalkeeda ku aaddan u qareemidda arrimaha haweenka iyo carruurta, isaga oo adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gooni ah siinayso xoojinta iskaashiga labada dal ee arrimahaas ku qotoma.

Dhankeeda, Marwo Sophie ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda uga mahad celisay qaabilaadda uu u fidiyay iyada iyo wafdigeeda, iyada oo adkaysay sida Boqortooyada Ingiriiska ay uga go’antahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here