MW Xasan Shikh ayaa kulan muhiim ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka.

0
12

Axad 5 April 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo safar shaqo ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka.

Kulankan oo qayb ka ah dadaallada Madaxweynaha ee xoojinta wadajirka iyo wadatashiga heer qaran, ayaa diiradda lagu saaray qodobo masiiri ah oo ay ka mid yihiin: Xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada, Adkeynta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka. Isku-duubnida gurmadka abaaraha iyo wax ka qabashada baahiyaha bini’aadantinimo iyo dardar-gelinta horumarinta hannaanka dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Odayaasha Dhaqanka ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ay mar walba ka qaataan ilaalinta midnimada iyo xallinta khilaafaadka, isaga oo ku tilmaamay odayaasha inay yihiin lafdhabarta nabadda iyo taageerada dowlad-dhiska Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in wada-shaqeyn dhow oo dhex marta dowladda iyo hoggaanka dhaqanka ay fure u tahay xaqiijinta xasillooni waarta.

Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada uu ugu kuur-galayo xaaladda deegaanka. Waxay caddeeyeen inay si buuxda u garab-taagan yihiin dadaallada dowladda Federaalka ee ku aaddan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, iyaga oo ballan-qaaday inay qayb ka noqonayaan qorshayaasha lagu xoojinayo dimuqraadiyadda iyo horumarka dalka.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-afgarad iyo ballan-qaad ku aaddan in si wadajir ah looga shaqeeyo danaha qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here