Talaado 27, August 2024 {HMC} Wasaaradda Waxbarashada Hiddiha iyo Tacliinta Sare ee Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka dhahaadiga ee dugsiga sare oo sannadkan u fariisteen arday gaareysa 36,034Arday.
Imtixaanka waxaa sanadkan ku baasay oo gudubtay arday gaareysa 33,666 arday, waxaa dhacay oo mar kale iskuulka ku laabanaya arday gaareysa 2,366 arday, waxaa sidoo kale wasaaradda Waxbarashada natiijadooda baaโbisay arday gaareysa 2,905 arday oo qish lagu qabtay.
Wasaaradda Waxbarashada ayaa sidoo kale shaacisay in sannadkan imtixaanka guud ahaan dalka laga qaaday uu kaalinta koobaad u galay ๐๐๐ค๐๐ซ๐ข๐ฒ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐ ๐๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐๐ง, oo ka socday g๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐๐๐ข๐ซ, gaar ahaan Dugsiga ๐๐ฅ-๐ฆ๐๐ซ๐ฐ๐๐ณ๐ข ๐๐๐ฒ๐ง๐ข๐ข๐ฅ๐, darjada uu heleyna noqotay ๐๐%.
Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare ayaana sannadkan arday dhacday iyo kuwa natiijadooda la baaโbiyay noqdeen kuwa aad u badan, waxaana arrintaasi walaac iyo niyad jab ku abuurtay waalidiintii sanadaha badan ardayda waxbarashadooda ku dedaalayay.



