Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in dagaalkii Qasa ay dib ugu laabanayaan, wuxuuna isla markiiba amar ku bixiyay in diyaaradaha Israa|l ay ku laabtaan hawada Qasa oo ay duqeymo culus fuliyaan, isagoo go’aankan ku sheegay inuu qaatay kadib la tashi uu la sameeyay saraakiishiisa amniga.
Al Jazeera ayaa dhankeeda werisey inay duqeymo ka socdaan Qasa oo goobaha la duqeeyay ay ku jiraan agagaarka isbitaalka ugu weyn Qasa ee Al-Shifa, oo hoy u ah kumannaan qoys oo guryahooda dagaalka lagu burburiyay.






