Isiin Dec 15, 2025 {HMC} Ra iisulwasaaraha Netanyahu ayaa sheegay inuu horey digniin ugu diray Ra’iisul wasaaraha Australia,isagoo ku wargelinaya inuu wax ka qabto nacaybka sii kordhaya ee dalkiisa ka jira , halkii digniintan la dhageysan lahaa wuxuu sheegay inay Australia ku dhaqaaqday tallaabo ay ku aqoonsanayso dawladda Falastiin.
Hadalladan ayaa wax laga waydiiyay maanta Ra’iisul wasaaraha Australia, Anthony Albanese, balse isagoo aan dooneyn inuu ka jawaabo wuxuu ku baaqay midnimo qaran, markaa oo uu caddeeyay dawladdiisu diyaar u tahay inay qaaddo tallaabo kasta oo loo arko inay lagama maarmaan tahay.
Wuxuu iskudayayaa Netanyahu inuu ka faa’iideysto weerarkii shalay ka dhacay Australia, isagoo cadaadis ku kordhinaya Albanese iyo xukuumadiisa, balse sida lagu baahiyay baraha bulshada mid ka mid ah labada qof ee weerarka fuliyay ayaa toddobaad ka hor weerarka wuxuu booqday Telaabiib, wallow aan si cad loo soo bandhigay.
Dawladda Australia waxay muujisay inay si taxaddar leh u soo bandhigayso faahfaahinta la xiriirta labada qof ee weerarka fuliyay oo ah Aabbe iyo wiilkiisa,lamana soo bandhigin halka ay asal ahaan ka soo jeedaan, taa beddelkeeda waxaa la soo bandhigay in Sajid Akram oo ah 50 jirka weerarka fuliyay ee goobta weerarka lagu toogtay inuu Australia ku yimid fiiso waxbarasho sannadkii 1998 , wuxuuna 2001 guursaday haweenay heysata dhalashada Australia , halka wiilkiisa oo weerarka fuliyay Naveed Akram oo hadda Isbitaal ku jira uu ku dhashay Australia..



