Netanyahu oo xaqiijiyay in ay Israa’iil heshiiskii ugu qiimaha sarreeyay ay la gashay Dalka Masar.

0
20

Khamiis, 18 Dec 2025 {HMC} Netanyahu ayaa xaqiijiyay inay Israa’iil heshiiskii ugu qiimaha sarreeyay ee dal ay la gasho oo la xiriira dhoofinta gaaska inay la gaartay Masar , kaasoo uu ku sheegay inay Israa’iil ku helayso 35 bilyan oo dollar, wuxuu intaa ku daray ; “ Waxaan ansixiyay heshiiskan kaddib markii aan hubiyay danaha amniga ee Israa’iil iyo danaha kale ee muhiimka ah, mana ku faahfaahin doono dhammaantood halkan.”

Lacagtaa waxaa qaadanaysa Israa’iil oo ah cidda bixinaysa gaaska, halka cidda laga iibinayo ay tahay Masar , lacagtana bixinaysa , xilli dhawaan aysan a Masar ka jawaabin iskuday ay Qatar ku doonaysay inay bixiso gaaska looga baahanyahay Masar, si meesha looga saaro heshiiska Israa’iil oo muddo taagna, markii Netanyahu uu si shaqsi ah u amray in la joojiyo gaaska la siiyo Masar, xilligaa wuxuu ku andacooday inaysan Masar si wacan ula shaqeyn Israa’iil, waa sababta uu hadda u leeyahay; “ Heshiiskan waxaan u ansixiyay arrimo amni.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here