Odoyaasha Dhaqanka Qurac-joomo oo Cabasho u Gudbiyay Maamulka G/Galbeed Soomaaliya

0
141
Arbaco 14 Agoust 2024 {HMC}  Odoyaasha iyo waxgaradka Magaalada qurac-joome ee Gobolka Bakool ayaa Cabasho ka ah Maamul Cusub oo dhawaan deegaankaasi  u magacaabay Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

 

Odoyaasha ayaa sheegay in Bulshadii iyo maamulka deegaanka ay is fahmi waayeen,  taaso oo sababtay in Mashaariicdii iyo horumarintii qurac-joome ay dib u dhacday.  Maamulka Koonfur Galbeed ayey ugu baaqeeyn in Arintan deg deg ah wax ugu qabto.

 

Odoyaasha ayaa sheegay in Xaalad Adag ay ka taagan tahay Deegaanka Qurac-joome ee Gobolka Bakool.  Madaxweynaha Maamulkaasi ayey ugu baaqeeyn in si deg deg ah Arintan kusoo Faragaliyo.

 

Sidoo kale Odoyaasha waxaa ay sheekeyn in Maamulka u tageeyn si Cabashadooda wax ugu qabto lakiin taasi ay suuragali waysay.  Badalkooda waxaa ay intaasi ku dareeyn in Maamulka qaar kamid ah Bulshadii uu xir xiray.

 

Dhinaca Kale Maamulka Deegaankan oo dadka Cabashada ka yahiin oo ay la xariirtay Idaacada Hiiraanweyn ayaa diiday in uu ka jawaabo Cabashada dadkan,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here