Sunday 28, Dec 2025 {HMC} Dowladda Pakistan ayaa shaaca ka qaaday inay bixin doonto dadaal diblomaasiyadeed oo lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Wadanka Soomaaliya.
inta lagu jiro kulamada golaha ammaanka iyo golaha guud ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Muhammad Ishaq Dar oo maanta khadka telefoonka wadahadal kula yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali.






