Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland iyo Daacish ayaa ka dhacay Togga Walisoor ee Gobolka Bari, waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac inkasta oo aan tiro rasmi ah lasoo gudbin.
Saraakiil katirsan Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay dileen xubno katirsan Daacish oo dagaal toos ah isaga hor yimaadeen isla markaana ay ka qabsadeen deegaanka lagu dagaalamay
Dhanka Puntland waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay Nabadoon Cabdi Hayaan oo kamid ahaa Odoyaasha dhaqanka ee ku biiray howlgallada Dowlad-Goboleedka Puntland halka ay dhaawacmeen labo kale sida wararku sheegayaan
Puntland ayaa tilmaamtay in ay sii xoojinayso howlgallada ka dhanka ah Daacish oo wajigii saddexaad maraya, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan sheegay in ay u baahan yihiin in lagu garab istaago howlgalladaan si loosoo afjaro.






