Sabti 28, Dec 2024 {HMC} Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa ku guul daraystay inay joojiyaan colaaddan oo u dhexeysa beelaha Sacad iyo Leelkase oo ka soo kala jeeda labada maamul, iyadoo ciidamo isku dhaf ah oo bilo ka hor la geeyay degaanada colaaddu ka jirto aysan ku guulaysan soo celinta nabadda.
Heshiis nabadeed oo hore loogu dhex dhigay beelaha Sacad iyo Leelkase ayaa dhawaan burburay, kaddib markii ay dib u soo laabteen dilal salka ku haya aanooyin qabiil, iyadoo lagu guulaysan waayay in lasoo qabto gacan ku dhiiglayaal dil geystay
Colaadda labada beel oo muddo dheer soo jiitamaysay ayaa gaartay heer halis ah, iyadoo dagaalladii ugu dambeeyay ay sababeen dhimashada tobaneeyo qof iyo dhaawaca tiro kale.
Muuqaallo argagax leh ayaa lagu faafiyay Baraha bulshada kuwaas oo sii hurin kara colaadda, taasoo dhalisay cabsi ah in colaaddu ku fiddo magaalada Gaalkacyo oo sanadihii ugu dambeeyay ka nasatay dagaallada ku saleysan qabaa’ilka.
Labada dhinac ee dirirtu u dhaxeeyso ayaa waxaa baaq u so jeediyay Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Mudug waxana ay ugu inay colaadda joojiyaan, iyagoo ka digay saameynta xun ee dagaalladu ku yeelan karaan deegaannada ka baxsan Jiicboor ee Gobolka Mudug.
Waxay sheegeen in haddii colaadda aan la xakameyn, ay halis tahay inay ku faafto magaalooyinka iyo tuulooyinka u dhow.
Dagaalka u dhexeeya labada beel ayaa salka ku haya muran dhul daaqsimeed ku yaalla galbeedka Gobolka Mudug.
Kulamo badan oo nabadayn ah oo ka dhacay magaalooyinka Galdogob iyo Bandiiradley ayaan weli xal waara u keenin colaadda.



