spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Puntland oo ciidan dheeraad ah geysay gobolka Sanaag

Puntland oo ciidan dheeraad ah geysay gobolka Sanaag

0
16

Isniin 07 Jully 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dhaqdhaqaaqyada ay ciidamada Puntland ka wadaan gobolka Sanaag, iyada oo askar hor leh geysay deegaannada gobolkaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Maamulka Puntland ciidamo geeyay degmooyinka Dhahar, Xingalool iyo Ceelbuh oo ay hadda ku sugan yihiin  ciidan lagu xoojisey kuwo kale oo ku sugan yihiin wafdi sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Magaalada Ceelbuh ayaa waxaa ka socda abaabulka kulan ballaaran oo ay yeelanayaan bulshada deegaanka iyo mas’uuliyiin heer gobol iyo Federaal, kaasi oo looga arrinsan doono dhismaha Dowlad gobolkeedka SS Khaatumo.

Waxgaradka gobolka Sanaag ayaa waday dadaalo lagu dajinayo xiisadda, iyaga oo la hadlay mas’uuliyiinta hor kaceysa oo uu kamid yahay guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirishiid Cawl.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here