Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor ayaa heshiiskaas ku tilmaamay inuu ku yimid aragti dheer oo looga gol leeyahay in Soomaaliya mustaqbalkeeda lagu dhiso, isla markaana lagu xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaalanka argagixisada.
Wuxuu intaas ku daray in madaxda iyo maamullada dalka laga rabo inay dhiirrigeliyaan wada-shaqeynta, maaddaama shacabka Soomaaliyeed ay weli la daalaa dhacayaan xaalado barakac iyo colaado soo jiitamayay, isagoo tusaale u soo qaatay dadkii ku barakacay colaadda Ceerigaabo, kuwaas oo haatan daadsan Badhan, Dhahar iyo Taleex.
Dhawaan, qaar ka mid ah xisbiyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa si adag uga horyimid is-afgaradkaas, iyagoo ku tilmaamay mid ka hor imaanaya dastuurka Puntland iyo danaha shacabka reer Puntland, ayna u arkaan tallaabo dhaawaceysa midnimada Soomaaliya.





