Jimco 12, Dec 2025 {HMC} Ciidamada PMPF Puntland ayaa gacanta ku dhigay Doon sidday buddooyinka laga sameeyo qaraxyada oo maraysay xeebta Eyl, iyo Dadkii wadday oo labo kamid ah ay yihiin Yemeniyiin, halka 5 kalena ay yihiin Soomaali, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada PMPF.
“Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF, gaar ahaan cutubyada Badda ee degmada Eyl ayaa gacanta ku dhigay Doon siddey Budooyinka laga samee qaraxyada, kuwaas oo isugu jira noocyo kala duwan oo lagu farsameeyo jaadadka qaraxyada waxyeelada ba’an-geysta.”
“Doonta iyo Dadka saarnaa oo gaarayey 7 ruux oo 2 ka mid ah yihiin Yamani, 5-ta kalena Soomaali ayaa dhammaantood kujira gacanta ciidanka.”






