Puntland oo Garowe ku xirtay saraakiil iyo askar hub kala soo goosteen Calmiskaad

0
28
Khamiis 11, Sep 2025 {HMC   Maamulka  Puntland ayaa xabsiga dhigay askar iyo saraakiil Ciidan oo kamid ahaa kuwii kasoo dagaalamay buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Askartan iyo saraakiishooda oo lagu xiray magaalada Garowe ayaa lagu eedeeyay inay hub kalasoo goosteen Calmiskaad, sida ay HOL u sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Ciidamada la xiray ayaa lagu sheegay inay sheegay inay ahaayeen ciidamo aan si rasmi ah uga tirsanayn Puntland, kuwaas oohoos imaanayay sarkaal horey Ciidamada uga tirsanaa, balse hadda horjooge u a ah ciidamo beeleed.

Intii lagu jiray dagaalka Daacish hub badan ayaa gacanta u galay askarta dagaalamaysa. Puntland ayaa marar badan Ciidamada uga dhigtay in hubka laga qabsado Daacish aanan bannaanka looga saarin goobaha dagaalka.

Dhawaan ayay ahayd markii taliyaha booliiska gobolka Bari uu ku eedeeyay ciidamada lagusoo xulay hab beeleed ka inay carqalad ku hayaan howlgalka Calmiskaad, isagoo sheegay caadaydteen inay isbaarooyin dhigtaan, hubkana lasoo hoostaan.

Arrimaha oo idil ayaa kusoo beegmaysa, xilli uu gabagabo yahay howlgalka Calmiskaad, isla markaasna ay ciidamo badan dib ugu soo laabteen degaanadooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here