Khamiis 07 August 2025 {HMC} Maamulka Puntland ayaa si cad uga hor timid go’aan kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, kaa oo dhigaya in qaadashada baasaboorka lagu xiro shuruud ah in qofka uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka tani, Puntland ayaa ku tilmaantay arrintaasi ciqaab iyo cadaadis lagula kacayo shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa si adag uga hadlay arrintan isaga oo sheegay in baasaboorka Soomaaliga lagu tilmaamay kan ugu liita dunida dhinaca socdaalka, haddana dadkiisa lagu ciqaabayo shuruudo adag taasoo uu ku tilmaamay shar iyo caddaalad darro ka dhalata marka taladu gacan keliya gasho.
“Baasaboorka ugu liita adduunka xagga socdaalka baa dadkiisa ciqaab iyo shar looga dhigayaa; marka taladu gacan keli ah gasho waxay noqotaa shar.” ayuu yiri Wasiir Juxaa.
Puntland waxay hore ugu digtay shacabkeeda inay qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka iyagoo maamulkaasi sheegay in nidaamka lagu fulinayo arrimo siyaasadeed iyo dano gaar ah oo aan lagu dhisin wadatashi iyo heshiis qaran Walaaca Puntland ayaa salka ku haya in nidaamka cusub loo adeegsado siyaasadeyn oo ugu horeeyaan arrimaha doorashooyinka.






