Isniin 7 July 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in shir lagu taageeri lahaa dhismaha maamulka khaatumo oo ka dhici lahaa deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag uu baaqday, ka dib markii uu maamulka Puntland uu khasab ku joojiyey.
Arrintan ayaa timid ka dib markii guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland oo hadda ah xildhibaan baarlamaanka Puntland ka tirsan, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, uu halkaa tegey si loogu qabto kulan ay cuqaasha gobolka ku taageerayaan in laga qayb galo dhismaha maamulka Khaatumo ee ay ku baaqday dawladda federaalka Soomaaliya.
Wararku waxay sheegayaan in halkaa uusan ka dhicin wax iska horimaad ah, shirkii la filayeyna uu baaqday, ayadoo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu magaalada isaga baxay, ka dib markii ciidan ay Puntland u dirtay uu halka gaaray. Cabdirashiid ayey wararku sheegayaan inuu hadda ku sugan yahay tuulada Damala-Xagarre.




