Puntland oo Lagu eedeyay in ay Dil toogasho ah ku fulisay Carruur.

0
91

Jimoc 23 August 2024 {HMC} Hay’adda Qaramada u qaabilsan carruurta ee UNICEF ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay xukun dil ah oo dabayaaqadii todobaadkii hore lagu fuliyay afar dhalinyaro ah maamul goboleedka Puntland.

Bayaan ay soo saartay hay’adda ayay ku sheegatay in dadkan lagu helay dambiyo ay galeen xilli ay caruur ahaayeen oo ay dad’doodu ka hooseysay 18 sano jir laguna eedeeyay inay al-Shabaab ka mid ahaayeen.

“Xukunnada ayaa waxaa riday maxkamado ciidan, kuwaasoo aan lahayn hab-raac gaar ah oo caddaaladda lagu mariyo carruurta, isla markaana aan ahayn meel carruurta lagu xukumo,” ayaa lagu yiri bayaanka Unicef.

Unicef ayaa xustay in guddiga xaqiijinta da’da Puntland oo ay ku jiraan wakiillo ka socday maamulka Puntland ay la kulmeen dhalinyaradan, waxaana ayna ogaadeen in ay ahaayeen dad aan qaan-gaarin xilliga la qabanayay, isla markaana aan lagu xukumi karin dil toogasho ah.

Hay’adda carruurta ee Qaramada Midoobey waxa ay ka codsatay maamulka Puntland in ay ka hortagaan xukunnada dilka ah ee la fulinayo, waxaana ay ugu baaqday in nidaamka caddaaladda loo maro dhammaan dhalinyarada aan qaan-gaarka ahan ee loo xiro in ay ku biireen kooxaha hubeysan markii ay da’doodu ka yarayd 18 sano, iyadoo la raacayo sharciga carruurta Maamulka Puntland iyo waajibaadka saaran dowladda ee ku aaddan waajibaadka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee ku xusan heshiiska xuquuqda carruurta.

Bayaanka ay soo saartay hay’adda Unicef ayaa lagu yiri “Unicef waxay ku boorinaysaa maamulka Puntland in caruurta ku biiray kooxaha hubeysan ay ula dhaqmaan sidii dhibanayaal, islamarkana dib u eegis lagu sameeyo hannaanka garsoor ee hadda jira si loo hubiyo in carruurta aan la horgeyn oo lagu xukumin maxkamadaha ciidamada, ayna helaan habraac garsoor oo ku habboon waafaqsana Xeerka Caddaaladda Carruurta Puntland iyo Axdiga Xuquuqda Carruurta oo ay Soomaaliya ansixisay.

Dhinaca kale Wasiirka warfaafinta ee Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in dhammaan dadka toogashada lagu xukumay ee lagu fuliyay ay ahaayeen “qaan qaarro lagu helay dambiyo.”

Waxaa uu intaa ku daray in dadka la toogtay intooda badan ay xabsiga muddo dheer ku jireen ka hor intii aan la xukumin.

“Xaqiiqda waxaa weeyaan Puntland dad carruur ah ma toogan, dadkaas la toogtay intooda badan saddex sano in ka badan ayay xabsiga ku jireen,” ayuu yiri Mr Ceydiid.

Wasiirka oo BBC la hadlay ayaa sheegay in dadka la toogtay la xaqiijiyay da’dooda iyo falal dambiyeedyada ay galeen mana jiro wax Caruur ah oo la toogtay.

“Muuqaalkooda waad arkeyseen qof 30 jir ka yar kuma jirin da’dooda iyo dhalashadoodana waa la xaqiijiyay inay dad waawayn oo qaan-gaadh ah yihiin fal dambiyeedkoodana ay qirteen oo cidina ku qasbin,” ayuu inta ku daray.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa carrabka ku adkeeyay in hay’aadaha caddaaladda ay mareen dhammaan hab-raacyadii loo baahnaa ka hor inta aan xukunka lagu ridin eedeeysanayaasha.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here