Arbaco 23 July 2025 {HMC} Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Cabdinuur, ayaa sheegay in markabka Sea World ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegatay uu “xalaal u yahay” Puntland, isla markaana maamulka Puntland uu xaq buuxa u leeyahay in uu adeegsan karo ama ka shaqaysiin karo dekedaha Puntland.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay dhankeeda sheegtay in ay tallaabo ka qaadi doonto maamulka Puntland haddii uusan u hogaansamin sharciga dalka, iyadoo ku andacoonaysa in maamulka Puntland uu ku xadgudbay awoodihii dowladda dhexe iyo xeerarka dalka.
Cabdifitaax Cabdinuur ayaa sheegay in Puntland aanay ka baqayn hanjabaadaha DFS, isagoo ugu baaqay dowladda dhexe in ay ka waantoowdo waxa uu ku tilmaamay “faragelin iyo cabsi gelin sharci darro ah”.
Xiisaddan ayaa sii hurinaysa khilaafka siyaasadeed iyo midka maamulka dekedaha ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.



