Sabdi, 19 Jully 2025 {HMC} Wasiirka caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskii wadashaqaynta maamulka SSC KHATUMO iyo Puntland aysan qayb ka ahayn gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Wasiirka ayaa sheegay in 6-dii October 2023 la go’aamiyey qaabka loola shaqaynayo SSC KHATUMO, habka wax loo sii ambaqaadayo iyo difaaca deegaamada xuduudaha xiga.
Wasiir Maxamed Cabdiwahaab waxa uu tibaaxay in goboladaasi ay yihiin khad cagaaran isla markaana dadkoodu ay u codeeyeen Puntland isimadooduna go’aan ka qaateen shirka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
“Arrinta Sanaag iyo Haylaan ma ahan wixii laysla ogaa oo lagula shaqaynayey SSC KHATUMO, waa Khad Cagaaran, waa dad reer Puntland ah isimadoodaa go’aan soo saaray shacabkooda ayaana codeeyey”, Wasiirka caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dooneysa gobolada Sanaag iyo Hayland ay degaan beesha Warsangeli lagu biiriyo maamulka cusub ee Khaatumo ee hadda lagu dhisayo magaalada Laascaanoid.



