Isniin, 28 Jully 2025 {HMCPuntland ayaa cambaareysay weerarkii kooxda AS ay shalay kula wareegtay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa tacsi loogu diray ehelada iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, gaar ahaan saraakiisha iyo ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed ee ku naf waayey dagaalka lagula jiro kooxda AS
Sidoo kale, Puntland waxay ammaan u jeedisay ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleeyda, kuwaas oo muujiyey difaac geesinimo leh, iyagoo u taagan ilaalinta shacabka.
Puntland waxay ugu dambayn ugu baaqday beesha caalamka inay taageero muuqata siiso dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee khalkhalgelinaya xasilloonida Soomaaliya.





