spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Qaramada Midoobay oo cunaqabateyn ku soo rogay afar saraakiil oo ka tirsan...

Qaramada Midoobay oo cunaqabateyn ku soo rogay afar saraakiil oo ka tirsan RSF.

0
4

Arbaco 25 Feb 2026 {HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn ku soo rogay afar saraakiil oo ka tirsan RSF kuwaas oo lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhacay gobolka.

Saraakiisha la saaray cunaqabateynta waa:

1. Cabdulraxiim Xamdaan Daqlo – Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee RSF iyo walaalka hoggaamiyaha RSF.

2. Cali Yacquub Gibril – Taliye sare oo hoggaaminayay howlgalada RSF ee Al-Fashir.
3. Cusmaan Maxamed Xamiid Maxamed – Sarkaal sare oo ka tirsan taliska howlgalada RSF.
4. Cabdullaah Maxamed Xasan – Hoggaamiye sare oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha rabshadaha iyo xadgudubyada ka dhacay Darfur.

Cunaqabateyntan ayaa isugu jirta xayiraad safar iyo xayiraad hantida dibadda, iyadoo lagu eedeeyay masuuliyadda xadgudubyo culus oo ka dhan ah rayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here