Jimco 27, Dec 2024 {HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya xaaladda amni ee Soomaaliya iyagoo dhanka kalena ka doodi doona Howlgalka Cusub AUSSOM kaasi oo dalka ka bilaaban doona sanadka Cusub 2025.
Golaha ayaa cod aqlabiyad leh u qaadi doona sida lagu dhisayo Howlgalka Cusub iyo sida uu u ekaanayo maadaama xilli kala guur ah la marayo waqtigaan dhanka kalena Mandate-ka ATMIS uu ku egyahay 31 December ee Sanadkaan.
Qabyo qoraalka lagu wado inay u codeeyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa hogaaminaya gacantana ku haya Dowladda Ingiriiska iyadoo warbixin hordhac ah oo xilligaan la helayo ay sheegayaan in 12,626 askar ah oo ay ku jiraan 1040 booliis ah la keenayo gudaha Dalka 1 Janaayo ee sanadka Cusub.
AUSSOM oo ah Howlgalka Cusub ayaa sida wararka lagu helayo waxa uu ciidankiisa kusoo daabuli doona Soomaaliya ilaa 30 ka Juun ee sanadka 2025.
Sidoo kale kulanka maanta waxaa ka qeybgalaya Dowlaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyadoo illaa iyo iminka la xaqiijiyay in Howlgalka Cusub ay ka qeybgalayaan Ciidamada Dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda, Brundi iyo Masar.
Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya Golaha ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya dib loogu darayo Howlgalkaan Maadaama Ankara lagu dhameeyay xiisadii kala dhaxeysay Soomaaliya.






