Isniin 23 Feb 2026 {HMC} UNTMIS waxay aad uga xun tahay in Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ay ku guul darraysteen inay heshiis ka gaaraan wadahaddalladii ilaa hadda dhacay.
Hoggaanka UNTMIS, oo ay weheliyaan saaxiibbada kale, waxay maanta kulan la qaateen wakiillo sarsare oo ka kala socda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Waxaan soo dhoweynaynaa sida ay labada dhinacba uga go’an tahay inay sii wadaan dadaallada loogu raadinayo xalka.
Waxaan si adag ugu dhiirigelinaynaa in wadahadalka lagu sii wado niyad-sami. Annaga iyo saaxiibbada kaleba, waxaan diyaar u nahay inaan gacan ka geysanno dadaallada Soomaalida ee lagu raadinayo tanaasul laga gaaro arrimaha wali taagan.






