Qaramada Midoobay oo Soomaaliya Balad qaad Cusub u Sameeysay.

0
20

Talaado 11, Nov 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa khudbad ka jeediyay kulan heerkiisu sareeyo oo lagu xoojinayay hirgelinta NDC-yada (Nationally Determined Contributions), iyadoo la kaashanayo nidaamka Qaramada Midoobay.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku tilmaamay in Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, aysan u arkin tallaabooyinka lagu wajahayo cimilada inay yihiin ikhtiyaar, balse ay yihiin isbedel nololeed lagama maarmaan ah oo dalka u horseedaya adkeysi iyo horumar waara.

Waxa uu xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay NDC 3.0 u beddesho natiijooyin la taaban karo, iyadoo la xoojinayo iskaashiga, la kordhinayo maalgelinta cimilada, isla markaana la hirgelinayo qorshayaal ay si toos ah uga faa’iideysanayaan beeraleyda, kalluumaysatada, xoolo-dhaqatada iyo dhalinyarada, kuwaas oo ah laf-dhabarta adkeysiga cimilo.

Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa ballanqaadka cusub ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan taageerada dalalka xilliga fulinta ee NDC-yada, taas oo si buuxda ugu jaan go’an yoolalka horumar waara iyo adkeysiga mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here