Qaramada Midoobey oo digniin ka soo saartay dagaalka Iiraan

0
8

Arbaco1 April  2026 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii ka digtay in Iran, Israel iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ah ay “ka faa’iideysanayaan dagaalka si ay u wiiqaan xuquuqda,” iyadoo sidoo kale xustay “xaddidaado” lagu soo rogay xorriyadda warbaahinta ee United States iyo Israel.

Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan Qaramada midoobey, Volker Türk, ayaa yiri: “Waxaan arkeynaa hoos u dhac weyn oo ku yimid fursadaha bulshada rayidka ah ee gobolka, iyadoo dowladuhu ay si adag u xaddidayaan dadka adeegsanaya xuquuqdooda hadalka xor ah iyo isu imaatinka nabadeed.”

Wuxuu sidoo kale cambaareeyay “isku dayada lagu xaddidayo xorriyadda warbaahinta,” sida xayiraadaha ay soo rogeen ciidamada Israel ee cunaqabateynta warbaahinta, iyo hanjabaadda ay Federal Communications Commission ee Mareykanka ku sheegtay inay kala noqon karto rukhsadaha baahinta warbaahinta ee ka warbixisa dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here