Jimc 20 Feb 2026 {HMC}Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Aroornimadii hore ee Saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, jugta qaraxaan ayaa laga maqlay qaybo kamid ah Caasimadda.
Sida ay ku warrameen ilo kala duwan, qaraxaan la sheegay in uu ahaa mid ka yimid gaari la shaaciyay in uu leeyahay sarkaal katirsan Booliiska Soomaaliya loona badinayo in lagu xiray inkasta oo aanay jirin warar faahfaahin oo Hay’adaha Ammaanka bixiyeen.
Lama sheegin khasaara uu gaystay qaraxaas, waxaana gaariga uu haleelay la sheegay in uu leeyahay Janaraal Cabdirisaaq Afgaduud oo katirsan Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo la tilmaamay in uusan la socon xiligii uu qaraxaas dhacayay.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa ku dhaqaaqay baaris la xiriirta qaraxaas inkasta oo aanay jirin faahfaahin ay ka bixiyeen arrintaan maadaama Dadka Muqdisho muddo ugu danbaysay in ay maqlaan dhawaqa Qaraxyada.






