spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Qarax Lala eegtay Booyad ay lahaayeen ciidamada Puntland oo ka dhacay Magaalada...

Qarax Lala eegtay Booyad ay lahaayeen ciidamada Puntland oo ka dhacay Magaalada Boosaaso

0
177

Khamiis jan-25 2024-{HMC} Qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa lagu burburiyay booyadii biyaha u dhaamin jirtay ciidamada PMPF maamulka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay uu gebi ahaanba burburiyay booyaddaas.

Waa qaraxii labaad oo 24 saac gudahood ka dhaca Boosaaso.

Ilaa saddex ruux ayaa ku dhintay qarax shalay ka dhacay goob lagu qayilo halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale

Waxaa Boosaaso ka socday todobaadyadii u dambeeyey qaraxyo lagu beegsanayo xarumaha ganacsiga iyo meheradaha la isugu yimaado kuwaasoo khasaare kala duwan geystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here