Inta la xaqiijiyay, waxaa qaraxa ku dhintay labo nin oo odayaal ah, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Cali Kadawe, Maxamed Cumar, Sidoo kale, askari la socday labada oday ayaa la sheegay in uu dhabarka jab culus kasoo gaaray, waxaana loo qaaday xarun caafimaad si loogu dabiibo.
Qaraxa kadib, ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo Nabad Sugidda (NISA) ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, Ciidamada ayaa sameeyay howlgallo amni, inkastoo aan weli la shaacin wax natiijo ah oo ka soo baxay Howlgalkaasi.
Muddooyinkii u dambeeyay, qaraxyada miinooyinka ee lagu aaso waddooyinka hareerahooda ayaa aad hoos ugu dhacay, marka loo eego sanadihii hore, Qaraxan cusub ayaa cabsi iyo walaac ku beeray dadka deegaanka, iyadoo wali aan la ogeyn cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkan.






