Sabti 28 Feb 2026 {HMC} Warar dheeraad ah oo ku saabsan qaraxyada ka dhacay Tehran ayaa hadda ka soo baxaya warbaahinta Iiraan.
Wakaaladda wararka ee Fars ee dowladda Iiraan ayaa sheegaysa in dhowr qarax oo cusub laga maqlay waqooyiga iyo bariga caasimadda Tehran. Isra’iil ayaa bilowday waxa ay ugu yeertay “weerar ka hortag ah” oo ay ka qaadayso Iiraan.
Bayaan soo baxay saaka ayaa Wasiirka Difaaca Isra’iil, Israel Katz uu ku dhawaaqay “xaalad degdeg iyo oo gaar ah” guud ahaan Isra’iil.
Kanaalka wararka joogtada ah ee dowladda Iiraan IRINN ayaa qoraal ay soo bandhigtay lagu xaqiijiyay wararka ku saabsan weerarro ka dhacay 28 Febraayo Tehran, kadib waxa Israel ay ku tilmaantay “weerar ka hortag ah” oo lagu qaaday Iiraan.
Sida lagu sheegay, idaacadda ayaa si kooban u joojisay codka agagaarka 06:30 GMT, ka hor inta aysan dib u bilaabin barnaamijyada, iyadoo soo bandhigtay qoraal tilmaamaya qiiq iyo qaraxyo ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda.
IRINN ayaa kadib baahisay muuqaal duubay oo ka turjumaya banaanbaxyo taageeraya dowladda, oo la socda muusig iyo hadallo hore oo uu ka jeediyay Hogaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei isagoo ku baaqaya midnimo lagaga hortago “cadowga”, iyo sidoo kale wareysiyo lala yeeshay taageerayaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee ka soo horjeeda faragelinta shisheeye.






