Isniin, 22 Seb 2025 {HMC} Wasiirrada arrimaha dibadda Qatar, Sacuudiga, Masar, Indonesia, Jordan, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta waxay maanta New York kula kulmeen wasiirka arrimaha dibadda Pakistan , Ishaq Dar , iyagoo ka wada-hadlay in la abuuro ciidan wadajir ah oo Carbeed-Islaami ah ama heshiis difaac oo mideeya gobolka, si loo xoojiyo amniga loona helo awood siyaasadeed iyo mid milatari oo ka hortagta xadgudubyada Israa|l iyo khataraha kale ee gobolka, sida ay werisay Arab News.
Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan, ayaa sidoo kale xaqiijisay kulankan iyo in looga hadlay iskaashi difaac ama dhismaha ciidan mideysan.






