Talaado 2,Sep 2025 {HMC} Qiimaha dahabka ayaa si weyn sare ugu kacay iyadoo ay sii socoto baahida xooggan ee loo qabo ee ka timid hubaal la’aanta dhaqaale ee adduunka ka jirta.
Qiimaha dahabka ayaa kor u kacay ku dhawaad saddex meelood sanadkan. 28.4 gram ayaa lagu kala iibsanayaa qiimo ka badan 3-kun iyo shan boqol oo doolar.
Dadka ka faalooda arrimaha dahabka waxay walaac ka muujiyeen canshuuraha madaxweyne Trump, dulsaarka sareeya iyo walaac laga qaba madaxbannaanida bangiga dhexe ee Mareykanka. Dhammaan arrimahaas ayey sheegeen in ay qiimaha kor u qaadeen.
Trump ayaa sidoo klae weeraro isdaba joog ah ku qaaday guddoomiyaha keyda federaalka, Jerome Powell, iyo sidoo kale iskudaygii dhawaan uu doonayay in uu ku eryo guddoomiye Lisa Cook ayaa la sheegay in ay keentay.
Madaxa bangiga dhexe Yurub, Christine Lagarde, ayaa isniintii ka digtay hadii Trump uu xaqiro madaxbannaanida bangiga dhexe in taasi ay ka dhigan tahay “khatar aad u daran” oo ku wajahan dhaqaalaha adduunka.
Waxay sheegtay hadii lagu qasbo bandhiga in uu ka jawabao siyaasadaha Trump in ay taasi tahay wax “aad looga walaaco” oo sameyn ku leh dhaqaalaha Mareykanka iyo adduunka oo dhan.
Kororka qiimaha dahaba ayaa sidoo kale ka yimid sababo badan oo ay ku jirto duullaanka Ruushka ee Ukraine oo siyaasada guud ee adduunka saameysay.






