spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS QM oo Imaaraatka ku eedeysay faragelin Militari uu ku sameeyay Sooamaliya, Suudaan...

QM oo Imaaraatka ku eedeysay faragelin Militari uu ku sameeyay Sooamaliya, Suudaan & Liibiya?

0
24

Arbaco, 29, Oct 2025 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa Warbixin ay soosaartay waxa ay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ku eedeysay in qalab ciidan uu horay uga soo iibsaday Ingiriiska lagu arkay Dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Liibiya iyada oo aanay u marin dhabbaha sharciga ah.

Baarayaal katirsan Qaramada Midoobay ayaa xogtaan ku helay kaddib markii dabagal ay ku sameeyeen kuna ogaadeen caddaynta eedahaan loo jeedinayo Isutagga Imaaraatka Carabta sida lagu yihiinka warka kasoo baxay UN-ka.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa qalabkaan ciidan oo u badan Gaadiid waxa ay horay ugu wareejisay Isutagga Imaaraatka munaasabad ka dhacay Caasimadda Dalkaas, isla gaadiidkaas qaarkood ayaa lagu arkay Saddexdaan Dal muddo kaddib.

Sheekadaan waxa ay dhadhan sii yeelay kaddib markii ciidamada Suudaan ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah xarumaha Kooxda RSF kuna arkeen hubka iyo Gaadiidka Gaashaaman ee Nimr Ajban sida warbixinta lagu xusay.

Imaaraatka ayaa sheegay in meelaha uu sida gaarka ah ugu xooggan yahay Soomaaliya in ay yihiin Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ee Dowlad-Goboleedka Puntland iyo Magaalo xeebeedka Berbera ee (Somaliland).

Soomaaliya inkasta oo sanadkii 2023 laga qaaday xayiraaddii cunaqabataynta hubka saarnayd muddo fog halkaasina lagu tirtiray qaraarkii 2713, balse waxaa weli jira qiimayn gaar ah oo kor lagala socdo si loo ogaado heerka xakamaynta hubkaas ee Soomaaliya.

Dowladda Suudaan ayaa Bishii May sanadkaan waxa ay Imaaraatka ku eedeysay in uu gacan toos ah siiyo Kooxda RSF isla markaana hubka iyo kaalmada Militari uu usoo mariyo Dalal kala duwan balse Xukuumadda Abu Dhabi ayaa beenisay eedeyntaas.

Soomaaliya 29 Agoosto 2025 waxa ay beenisay warar soo baxay oo la xiriira in booqashooyin isdaba-joog ah oo ay sameeyeen wufuud ka kala socota Suudaan & Imaaraatka Carabta ay xiriir la leedahay mid siyaasadeed.

Baaritaanno hore waxaa ka muuqday sawirro lagu qaaday Dayax-gacmeed waxaana lagu dhex arkay saldhigyo Isutagga Imaaraatka Carabta uu ka samaystay Berbera & Boosaaso isla markaana aanay fasax uga qaadan Dowladda Federaalka Soomaaliya sida hadalka loo dhigay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dagaalka ka socda Jamhuuriyadda Suudaan ay ku dhinteen dad ka badan 150,000 halka ay ku barakaceen 12 milyan oo kale, Magaalooyinka lagu dagaalamay weli waxaa ka muuqda raadadka colaaddaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here