Qorshe aysan Xamaas mar dambe maamulidoonin Qasa oo La saxiixay.

0
31

Khamiis 22-Jun 2026 {HMC} Dalalka ka qayb-galaya Golaha Nabadda ee Qasa ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay axdiga ku biirista golahan, xilli uu goobjoog ka ahaa Donald Trump.

Saxiixan kaddib, waxaa si rasmi ah loo galay marxaladda labaad ee qorshaha Trump, taas oo dhigaysa in Xamaas aysan mar dambe maamulin Qasa.

Bedelkeeda, waxaa la dhisay guddi Falastiini ah oo ku-meel-gaar ah, kuna dhisan farsamo-yaqaanno, kaas oo loo xilsaaray maamulka Qasa, waxaana hoggaaminaya Cali Shaath.

Guddigan cusub waxa uu hoos imaanaya Golaha Nabadda, oo uu hoggaaminayo Trump, halka dalalka xubnaha ka ah goluhuna ay yihiin kuwa dammaanad-qaadaya fulinta iyo joogtaynta nidaamka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here