spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Qorsho lagu tirakoobayo dadka Soomaaliyeed oo la gaarsiinayo dalka oo dhan.

Qorsho lagu tirakoobayo dadka Soomaaliyeed oo la gaarsiinayo dalka oo dhan.

0
46

Axad 10,August 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soosaartay waxa ay uga hadashay muhiimadda uu leeyahay adeegga Dad-dhigista iyo tirakoobka madaniga iyada oo la adeegsanayo hab casriga ah.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in 10ka Agoosto loo asteeyay  in Afrika ay xusuusatayo maalintaan loo gaarka yeelay in lagu ogaado raadinta xuquuqda Dadka degen meelaha fogfog ee aan marin nidaamka dad-dhigista iyo tirakoobka.

Maalintaan waxaa la asteeyay 10kii Agoosto sanadkii 2018 kaddib shirweynihii 32aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika maadaama ay jiraan Dad badan oo aanay ku jirin diiwaanka Dowladahooda duruufo isbiirsaday dartood.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka ay ka hirgelisay adeegga dhijitaalka dad-dhigista mideysan kaas oo laga heli karo degmooyin kala duwan si loogu diiwaangeliyo Dhalashada, Guurka, Furiinka & Dhimashada.

Halkaan ka aqriso Warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS:

May be an image of text

May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here