spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Qoysaskii ugu badnaa ee bakaraca dagaalka Baladxaawo

Qoysaskii ugu badnaa ee bakaraca dagaalka Baladxaawo

0
25
Arbaco 30 July 2025{HMC} Waxaa aad u sii kordhaya qoysaska ka barakacaya magaalada Baladxaawo ee isaga cararaya dagaalada culus ee u dhaxeeya ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Warbaahinta magaalada Mandheera ayaa baahisay in saacadahii lasoo dhaafay  magaaladaasi ay gaareen ku dhawaad 200 oo qoys oo ka barakacay Baladxaawo, kuwaas oo u badan haween, caruur iyo dad waayeelo ah.

Dadkani ka barakacay guryahoodii ku yaalay degmada Baladxaawo ayaa warbaahinta u sheegay qaarkood iney guryahooda uga soo carareen cabsi la xariirto iney dhibaato ka soo gaarto rasaasta iyo hubka culus oo is weedaarsanayaan labada dhinac.

Qaar ka mid ah barakacayaashan ayaa laga dajiyey iskuulo ku yaala Mandheera oo loo bedelay xeryo ku meel gaar ah, halka kuwa kalena ay la dageen eheladoodii horey ugu sugnaa magaalada Mandheera.

Masuuliyiinta maamulka Mandheera ayaa bilaabay diiwaangelinta barakacayaasha si loo gaarsiiyo gargaar deg deg ah, iyagoona xusay in xaalada qoysaskan ku sugan yihiin ay tahay mid bani’aadanimo oo aad u cakiran.

Dadka ku barakacay dagaalada ka socda labadii todobaad ee lasoo dhaafay degmada Baladxaawo ayaa waxaa isku biirsaday dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo ay ka mid yihiin, hoyi la’aan, Cunto yari iyo Biyo la’aan aad u daran.

Around The Web

Sponsored
Tired of Cleaning out Your Gutters? Get a Quote Today!

Tired of Cleaning out Your Gutters? Get a Quote Today!

Take on a Challenge: Make Pasta Al Limone at Home

Take on a Challenge: Make Pasta Al Limone at Home

Access Low-interest HELOC Funds for Your Home Renovation

Access Low-interest HELOC Funds for Your Home Renovation

Test Your Hearing From The Comfort of Your Home

Test Your Hearing From The Comfort of Your Home

How Much Money Should You Have Before Hiring a Financial Advisor?

How Much Money Should You Have Before Hiring a Financial Advisor?

9 Kinds of Ancestors You Could Find on Your Family Tree

9 Kinds of Ancestors You Could Find on Your Family Tree

Is My Space a Good Fit for Airbnb?

Is My Space a Good Fit for Airbnb?

Support Your Neighbors and Get Involved With Food Rescue

Support Your Neighbors and Get Involved With Food Rescue

We've Got Your Eyes Covered - Find Your Perfect Pair!

We’ve Got Your Eyes Covered – Find Your Perfect Pair!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here