Rag hubeysan oo toogasho Ugeestay 12 qof Kudhawaad dalka Australia.

0
17

Axad 14, Dec 2025 {HMC} Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xeebta Bondi Beach ee magaalada Sydney ee dalka Australia.

Weerarka ayaa sababay dhaawaca in ka badan 29 ruux oo ku sugnaa goob ay inta badan isugu yimaadaan bulshada Yahuuda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in booliiska toogtay mid kamid ah raggii weerarka soo qaaday, halka mid kalena la hayo isagoo dhaawac ah.

Taliyaha Booliska ee goobta dhibaatada ka dhacday ayaa sheegay in ay hadda xaqiijinayaan Amniga, isla markaasna la helay walxo laga shakisan yahay oo yaallay goobta.

Boolisku ayaa weli wada baaritaan dheeraad ah si loo caddeeyo dhammaan dadka ku luglahaa weerarka iyo khasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa dhacdada ku tilmaamay mid naxdin iyo murugo leh, isaga oo sheegay in ciidammada ammaanka iyo gurmadka degdegga ah ay ku sugan yihiin goobta si ay u badbaadiyaan bulshada halkaasi ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here