Khamiis 07 Aug 2025 {HMC} Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex eedeysane oo hore loogu helay dambiyo culus oo la xiriira dilal qorsheysan iyo weeraro ay ka geysteen Shabeellaha Hoose iyo magaalada Muqdisho.
3 nin ee saakay aroortii hore lagu fuliyay dilka toogashada ayaa lagu helay iney ka tirsanayeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana horay dad shacab iyo ciidan isugu jiray ay ku dileen magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo meelo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Saddexda nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) ayaa waxaa horey dil toogasho ah ugu xukuntay maxkamadda ciidamada qalabka sida.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa horey ragaan ugu ridday xukun dil ah kadib markii ay cadaatay inay si toos ah uga tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.
Goobta sakaay lagu fuliyay xukunka toogashada ah waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ciidan iyo ehelada qaar ka mid ah dadkii ay dhibaatada gaarsiiyeen sadaxda xubnood ee ka tirsana Al-shabaab ee dilka lagu fuliyay.






