spot_imgspot_imgspot_img
Home SOMALIA NEWS Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo Trump ugu geeyeen Aqalka Cad sanduuq ay ku...

Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo Trump ugu geeyeen Aqalka Cad sanduuq ay ku jiraan dhagaxyo qaali ah.

0
42

Axad  28 Sep 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Dalka Pakistan,Shehbaz Sharif iyo taliyaha guud ee ciidanka Pakistan, Asim Munir ayaa Aqalka Cad , waxay Madaxweyne Trump ugu geeyeen sanduuq ay ku jiraan dhagaxyo qaali ah iyo macdanta dhifka ah ee laga helo Pakistan, oo ah waxa uu ugu doonista badan yahay Mareykanka, tallaabadan oo ay uga danleeyihiin inay ku muujiyaan awoodda khayraadka dabiici ah ee Pakistan.

Pakistan, ayaa horey ugu soo bandhigtay Trump heshiis macdan oo ay ku beddelanayso iskaashi dhaqaale iyo diblomaasiyadeed oo ay ka hesho Mareykanka,taa oo Trump uu soo dhaweeyay.

Pakistan waxay isku dayaysaa inay labada quwadood u isticmaasho si kaabayaheeda dhaqaale loo xoojiyo, isla markaana aysan lumin doorka istaraatijiga ah ee gobolka.

Waxay Shiinaha ka heshaa maalgashi iyo difaac, halka Mareykanka ay ka raadiso dhaqaale, sharciyad siyaasadeed iyo xiriir diblomaasiyadeed oo caalami ah.

Su aasha taagan ayaa ah sedee Mareykanka iyo Shiinaha isugu heynaysaa kheyraadka Pakistaan.?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here