Arbaco 18 Feb 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi.
Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyadoo xoogga lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta arrimaha bulshada.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa intii uu kulanku socday ku dhowaaqay in Xukuumadda Soomaaliya ay si rasmi ah u bilaabayso hirgelinta heshiisyadii iskaashi ee dhowaan ay labada dal kala saxeexdeen.
Heshiisyadan ayaa u lafdhabar u ah iskaashiga dhinaca Difaaca iyo horumarinta adeegyada bulshada, kuwaas oo qeyb weyn ka qaadan doona tayeynta ciidamada qalabka sida iyo dib-u-dhiska dalka.
Xamse ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadantinimo ee xiliyada adag lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Danjire Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi ayaa caddeeyey in dawladda Qatar ay ka go’an tahay sii wadista iyo kordhinta taageerada ay siiso dawladda Federaalka Soomaaliya.
Safiirka ayaa si gaar ah u boggaadiyay horumarka muuqda ee ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka, isagoo xusay in Qatar ay mar walba diyaar u tahay garab istaagga qarannimada Soomaaliya.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro isku-filnaansho dhinaca amniga iyo horumarka dhaqaalaha ah.






