Axad Nofembar 12, 2023 {HMC} Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay Nidaamka Ilaalinta Bulshada ee Diiwaanka Bulsho ee Midaysan oo lagu yaraynayo saboolnimada iyo sugnaan laโaanta cuntada, si loogu diyaariyo bulsho adkaysi u leh aafooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, fatahaadaha iyo Ayaxa.
Raโiisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay mudnaanta uu xilligan u leeyahay dalka nidaamkani oo ay xuddun u tahay siyaasadda Xukuumadda Dan-Qaran ee ah in la helo horumar ay bulshadu qayb ka yihiin, una siman yihiin si loo xoojiyo ammaanka, koboca dhaqaalaha iyo wada-socodka bulshada Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa ayaa faray dhammaan Hayโadaha Caalamiga ah, kuwa Waddaniga ah iyo inta ku hawlan hawlaha Gargaarka inay isticmaalaan Diiwaanka USR ee Dawladda si looga fogaado, iska warqab laโaan iyo xaqiijinta in bulshada si hufan loogu adeego, taasi oo keenaysaa in lagu kalsoonado dawladda, waxayna caawinaysaa dhisidda dawlad-wanaagga.

โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ โ



