Ra’iisul Wasaare Xamsa oo salaadda ciida shacabka kula tukaday Masjidka Isbahaysiga

0
120

Axad june, 16 2024 (HMC) –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maantay salaadda Ciidda Carrafo boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ah ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carrafo, isaga oo xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka, Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Ra’iisulwsaare Xamsa ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku naxariistaan isla markaana ay is caawiyaan, si farxadda Ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada gaar ahaan inta nugul.

“ Waxa aan ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomalaiyeed meel kasta oo ay joogaan ay is wada cafiyaan , oo ay heshiiyaan oo ay walaaloobaan”

Masuuliyiinta kale salaadda ciidda shacabka kula tukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka, waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aden Madoobe iyo masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here